Hot Topics

Maxay yihiin Maleeshiyaadka ku dhow 2-da Kun Ee Buurta Gacan Libaax galay?

Ku dhawaad 1500 oo Nin oo ku hubaysan Hub ay ku jiraan 50-BKM,ayaa galay Buurta Gacan Libaax oo aan Caasimada Hargaysa sidaa uga fogayn.

Beesha Garxajis,ayay kasoo jeedaan Maleeshiyaadkan,waxayna ka gadoodeen Doorashada Xisbiyada iyo Madaxtooyada ee lakala hormariyay.

Garxajis,waxay tirsanayaan in 30-kii Sano ee ay jirtay Somaliland la Gacan bidixeeyay oo Gaashaanbuur loo yaqaan (Jeegaan) oo ay ku bahoobeen Beelaha Habar Awal iyo Habar-jeclo loo dhistay.

Haatan,waxay aaminsan yihiin in la joogo wakhtigii ay dulmiga iska dulqaadi lahaayeen,waxaana muuqata in Bulshada caadiga ah ee Beeshu ay qayb ka tahay Kacdoonkan.

Maamulka Muuse Biixi,waxuu udiray Ciidan Gacan Libaax ka hortaga Ragaas is urursaday,balse way ku adkaan doontaa la tacaalidooda oo kama dagaallami karo Labo furin (Gooja-cade iyo Gacan Libaax).

 

Halkan ka daawo Haweenka Beeshaas oo dubaya Sabaayad ay ku taageerayaan Ciidanka

Jibril Qoobey.