Hot Topics

Faallo:-Mudug waxay ubaahnayd amnigeeda oo la adkeeyo

Mudug in ay yeelato muuqaalkan,waxaa iska leh amaanteeda oo mudan in lagu bogaadiyo…

1.Maamulka Gobolka.
2.Taliska Booliska Gobolka.
3.PIA iyo CID-da Gobolka.
4.Haldoor si gaar ah iskaga xil saaray.

Xarunta Gobolka ee Gaalkacyo,waxay la ciir-ciiraysaa Bulsho iskugu soo guurtay oo ka kala timid guud ahaan Somaliya.

Xasiloonida siyaaday,waxay sababtay Ganacsigii oo xoogooba iyo Noloshii oo dib usoo kobocda.

Dowlada Puntland,waxay xil gaar ah iska saartay adkaynta amaanka oo si xoog leh,waxay xataa uga hawlgashay isku dhacyada Xoola dhaqatada Gobolka.

Haatan,waxaa kusoo gaba-gaboobay Koobkii Kubada Cagta ee Degmooyinka oo aad uxiiso badnaa,waxuu kaloo Gobolku martigelinayaa Koobka Gobollada Puntland.

Mudug,waxay ubaahnayd amni.

Jibril Qoobey.