Hot Topics

Turkiga iyo Sweden ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Axadii ku booriyay Sweden inay qaado tillaabooyin adag, si looga hortagayo gubida kitaabka qur’aanka kariimka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Isagoo taleefoon kula hadlay, Fidan wuxuu u sheegay dhiggiisa Iswiidhan Tobias Billstrom in sii wadida “falalka xun xun” ee noocan oo kale ah ee lagu dabakhayo xorriyadda hadalka ay tahay wax aan la aqbali karin.

Fidan iyo Billstrom ayaa sidoo kale ka wada hadlay codsiga xubinnimada Isbaheysiga NATO ee Iswiidhan, ilo-wareedka ayaa intaa ku daray.