Hot Topics

Urur Goboleedka ECOWAS oo isku diyaarinaya faragelin Mileteri oo uu ku sameeyo Niger

SONY DSC

Hogaamiyayaasha afgambiga militari ee Niger ayaa sheegay in urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS uu sameyn karo faragelin militari oo dhow.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ECOWAS ay shir aan caadi ahayn ku qabsanayso caasimadda Nigeria ee Abuja, si ay uga wadahadlaan cunaqabataynta suurtagalka ah ee ka dhanka ah kuwa awoodda qabsaday.

War qoraal ah oo ay soo saareen golaha milateriga ayaa lagu sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa in la ansixiyo qorshaha gardarada ah ee ka dhanka ah Niger, iyadoo lala kaashanayo dalalka kale ee Afrika iyo qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka.

Askarta afgambiga geystay ayaa xabsiga u taxaabay madaxweynihii la doortay ee Mohamed Bazoum afar maalmood kahor.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa la hadlay Madaxweynaha Nigeria, ahna guddoomiyaha ECOWAS, Bola Tinubu, ka hor shir-madaxeedka.

Mr Blinken wuxuu u gudbiyay walaaciisa wuxuuna u soo jeediyay taageerada Mareykanka ee dadaallada lagu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah.