Hot Topics

Abiy oo tagidiisii Ruushka ka helay jawaab celin kharaar

Tagidii Ruushka iyo hadalladii sida fudud uga soo baxay,waxay ugu kaceen qiimo weyn Ra’isalwasaare Abiy.

Durba,waxaa Dab looga shiday Deegaanka Amxaarada,waxaana loo maaliyay Eretereya.

Maleeshiyada Amxaarada,ayaa si fudud loogu sahlay Hub iyo Saad fara badan in ay Gacanta ku dhigaan.

Eretereya oo ay sii kala fogaanayeen,kana falcelinaysa hadalkii ugu danbeeyay ee ahaa (Waa in Itoobiya heshaa Deked) oo in badan la fahansan yahay in uu ku wajahnaa,ayaa ka faa’idaysanaysa fursadan,waxayna garab utahay Maleeshiyada Amxaarada.

Reer Galbeedku,waxay Abiy ku karbaashayaan dabacsanaanta uu umuujiyay Ruushka.

Abiy,waxaa lagu tilmaamaa Nin fudud oo aan muujin deganaansho iyo bisayl Siyaasadeed.

Jibril Qoobey.