Maxaa fashiliyay Wajigii Labaad Ee dagaalka argagixisada waxa Xasan Shiikh ugu yeero?

Wajigii Labaad waxa kooxda Villa Somaliya ay ugu yeertay dagaalka argagixisada,wuxuu umuuqdaa mid fashilmay.

Hadaba maxaa fashiliyay?

1.Gudaha Wadanka?

Looma diyaarin qorshe Qaran,loomana abaabulin si Qaran,

Majirto Siyaasad Qaran oo lagu midaysan yahay iyo Ciidan Qaran,waana mid ka mid ah fashilka yimid.

2.Dibada Wadanka?

Waxaa la waayay ballanqaadkii BC ee ahaa Garabka ugu muhiimsan ee lagu xisaabtamayay.

Indhihii caalamka,waxaa qaatay Niger iyo Galbeedka Afrika Afganbiyada kasoo cusboonaaday.

Sidoo kale Haiti iyo hawlgalka Kenya hogaaminayso,ayaa jiitay taageeradii BC.

Jabuti waxay sheegtay in ay diyaarisay 2000-Askari,balse Qalab iyo dhaqaale uma hayso.

Itoobiya,waxay ku xisaabtantay dhaqaale uu bixin lahaa Imaaraadka oo la waayay iyo Maraykanka oo Qalab iyo Saad ay kaga dalbatay hawlgalka Somaliya,kuwaasoo la waayay iyagana.

Xasan,waxaa horay uhaysatay fashilka Dowladnimo ee dhan walba ah ku dhawaad 2-Sano oo uu Villa-da fadhiyay…

1.Musuqa iyo Boobka Hantida.
2.Dayn Cafintii
3.Qabyo tirkii Dastuurka.
4.Qorshiihii Amniga Qaranka.
5.Isku wadid la’aanta Labada heer ee Dowladnimimada Somaliya.

Dagaalka argagixisada,waa guusha kaliya ee uu ka rajo qabay in ay uhirgasho oo uu lasoo Shir tegi lahaa.

Waxaa xusid mudan Warbixinta Qodobaysan ee Road Map-ka leh ee ka timid Qaramada Midoobey,taasoo tilmaamaysa Wadada loo maro Dowladnimo sax oo caalamka la jaanqaadi karta.

Xasan nafis Siyaasadeed,ayuu ka raadinayaa Dhuusamareeb iyo in uu Maalmo ku mashquuliyo Indhaha Shacabka Somalida iyo kuwa BC.

Jibril Qoobey.