Hot Topics

Maxay ka dhigan tahay tagida Dhuusamareeb Ee Xasan Shiikh?

Tagida Xasan Shiikh ee Dhuusamareeb,waxay daaran tahay Sadex Qodob oo kala ah…

1.Ka jeedinta Indhaha Dadweynaha fashilka Dowlada.

2..Ka jeedinta Indhaha BC fashilka Wajigii Labaad ee dagaalka argagixisada iyo guud ahaan Dowlada.

3.Isku muujinta Oday Beesha Hawiye markale.

Shaatiga uu huwanayo,waa xoraynta Magaalada Ceelbuur iyo in Beesha Murursade iskugu muujiyo Nin wax uqabanaya oo ka jawaab celinaya cabashadoodii.

Balse,iyadoo Xasan isku muujinayo Oday Beesha Hawiye isku wadi kara,ayuu hadana wadaa qorshe jalaafo ku ah Beesha Murursade markale,kaasoo ah in Ciidamada loo isticmaalayo dagaalka Ceelbuur ay yihiin kuwo Beesha Habargidir oo kaliya.

Beesha Murursade oo qorshahan ka carootay,ayaa si buuxda utaageertay Shabaab,waxayna lasoo gashay difaaca.

Beesha Murursade,waxay u aragtaa Xasan qorshihiisa in uu Shalay markii Beelaha la Hubaynayay uu inkiray,Saakayna uu Dhulkoodii Beel kale oo loolan kala dhaxeeyo u Gacan gelinayo.

Waxaa xusid mudan in Xildhibaanadii B.Murursade lagu mashquuliyay difaacida Wasiir Xasan Macallin oo Baarlamaanka lagu istaaray kadib markii si ku talagal ah loogu amray in uu ka daaho ballantii Baarlamaanka.

Hawlgalka Ceel-buur Xasan,waxuu kaloo ku qarinayaa fashilka kaga dhacay Wajigii Labaad dagaalka argagixisada,waxaana fulinaya Nisa iyo Madaxtooyada,iyadoo la adeegsanayo Maleeshiyada Beesha HG ee Macawisleyda.

Waxaa la waayay dhamaan taageeradii BC oo Jabuti ugu horayso.

Jibril Qoobey.