Hot Topics

Fadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo lagu ansixiyay arimo muhiim ah

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah akhriska 3-aad ee Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka DPL.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda oo gacanta ku hayay labada xeer, waxayna Golaha ka soo horjeediyeen warbixinta wax-ka-bedelka xeerarka.

Intaa kadibna, Goluhu ayaa guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta labada xeer oo muhiim u ah dalka.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka DPL.

Xeerarkaan ayaa muhiimad weyn u leh nidaamka Doorashooyinka goleyaasha deegaanka dalka, maamulka Gobollada iyo degmooyinka.

Dhinaca kalena, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Tartan furan ee iibka dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe kaas oo cabirkiisu yahay 90×30, kadib soo jeedintii Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhulkaas ayaa loo iibinayaa si loogu dhiso dhismaha cusub ee Dawladda Hoose Degmadda Garoowe.