Hot Topics

Madaxweyne Deni oo safar ku tagaya saddex dal

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in todobaadkan uu socdaalo dalka dibeddiisa, isagoo tagi doona ilaa saddex wadan kuwaas oo kala ah Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Kenya.

Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa la xiriira arrimo dhowr ah. Idilnews ayaa heshay in Madaxweynuhu uu u tagi doono Dubai arrimo caafimaad iyo ganacsi, halka Addis Ababa iyo Nairobi uu kulamo kula yeelan doono madaxda katirsan dalalkaas iyo wakiillo caalami ah.

Xubno hordhac u ah Madaxweynaha Puntland kana mid ah eheladiisa ayaa todobaadkii tagay gaaray Abu Dubai.

Deni oo maalmihii lasoo dhaafay joogay magaalada Qardho ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe, isagoo kulan la qaatay wafti uu hoggaaminayo La-taliyaha Dilmuquraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, Xamze Warfaa oo booqasho ku yimid Puntland.

IDILNEWS