Hot Topics

Sirdoonka Jubbaland oo qabtay qarax la dhigay Kismaayo + Sawirro

Ciidanka Nabad-sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay qarax miino, oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhigeen xaafad katirsan xarunta KMG ah ee maamulkaas (Kismaayo).

War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Jubbaland ee JISA ayaa lagu sheegay in qaraxa miino ay Al-Shabaab doonaysay in ay ku waxyeelayso shacabka Kismaayo, iyadoo uga mahadcelisay bulshada garab istaagooda ciidamada Amniga.

“Ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland ( JISA) oo kaashanaya shacabka reer Jubaland ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay miinadan oo ay dhagar-qabayaasha AS doonayeen iney ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee amniga iyo saxansaxada nabadadeed ku naaloonaya.”

“Hay’ada ayaa u mahadcelisay shacabka reer Jubaland ee sida joogtada ah usoo wargelinaya ulana shaqeynaya laamaha amniga.”

IDILNEWS