Hot Topics

Itoobiya: Shacab lagu dilay duqeymo ka dhacay gobalka Amxaaradda

Diyaarad Drone ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa duqaymo ku dishay dad shacab ah oo ku banaanbaxayay gobolka Axmaarada, waxaana ku dhintay ugu yaraan 26 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 70 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Duqeymo cirka ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu garaacay dibadbaxayaal, kuwaas oo isugu soo baxay magaalada Finote Selam si ay uga mudaaharaadaan ciidamada federaalka oo qorsheynayay in ay gudaha u galaan deegaanka.

Ma jiro wax war oo kasoo baxay Xukuumadda Addis Ababa, kaas oo ku aadan duqeymaha lagu laayay rayidka.

Todobaadyadii u dambeeyay ciidamada dawladda Federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka deegaanka Amxaarada ee FANO, ayaa dagaalo culus ku dhexmareen deegaanka, kuwaas oo galaaftay nolasha boqolaal askari.

Maleeshiyada ayaa diiday in hub ka dhigis lagu sameeyo, taasoo keentay in dowladda Federaalka ay diyaariso ciidamo guluf dagaal ku qaaday.

Itoobiya ayaa xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed dhex maquuranaysay tan iyo 2018kii, xilligaas oo talada dalka ay gacanta u gashay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali oo kasoo jeeda qoomiyadda tirada badan ee Oromada. Dhowaan ayaa heshiis nabadeed lagu soo afjaray labo sano oo dagaal dhexmarayay ciidamada DF Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF ee Tigreega, iyadoo dagaaladaas ay ku dhinteen kumanaan qof.

IDILNEWS