Hot Topics

Gaas oo Tallo ku aadan gobalka Hiiraan u soo jeediyay Xassan Sheekh +VIDEO

Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xassan Sheekh in uu tago caasimadda gobalka Hiiraan ee Beledweyne, kana shaqeeyo xalinta tabashada ay qabaan dadka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Wareysi uu bixiyay Cabdiweli Gaas, oo sidoo kale mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayuu ku sheegay in uusan ku jirin wax dhib in MW Xassan uu tago Beledweyne, lana fariisto Cali Jeyte oo ah abtigiis. Gaas ayaa u soo jeediyay Xassan Sheekh Maxamuud furista xujada Guddoomiye Jeyte maadama qabiil kastaa uu leeyahay awood.

“Dhuusamareeb iyo Beledweyne waxay isku jiraan 180-KM, haddii Madaxweyne Xassan Sheekh uu ugu tago Hiiraan Cali Jeyte oo uu yiraahdo abti muxuu yahay dhibkaagu anigu dhib uma arko, waxaas in laga koraa la rabaa, Cali haduu xujo ka dhigayo xujada in uu furaa laga rabaa Xassan Sheekh” ayuu yiri Dr. Gaas.

IDILNEWS