RW Xamze oo ka gaabsaday cida dishay Abwaan Jaamac Kadiye

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamze Cabdi Barre, ayaa si abuurtay caro uga tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo gelinka dambe ee maanta lagu dilay duqeyn maamulka Somaliland ka geystay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

War kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa lagu sheegay in Abwaan Jaamac Kadiye oo ahaa suugaan yahan maamuus ku leh dhulka Soomaalida, lagu dilay duqeyn, isagoo ka gaabsaday in uu cambaareeyo ama tilmaamo in Somaliland geysatay duqeynta arxan-darada ee uu ku dhintay AUN Abwaan Jaamac.

Hoos ka akhriso warka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

𝗜𝗡𝗡𝗔𝗔 𝗟𝗜𝗟𝗔𝗔𝗛𝗜 𝗪𝗔 𝗜𝗡𝗡𝗔𝗔 𝗜𝗟𝗘𝗬𝗛𝗜 𝗥𝗔𝗔𝗝𝗜𝗖𝗨𝗨𝗡

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u Naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka kale ee ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta Laascaanood.

Abwaanku wuxuu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay Abwaanka iyo shacabka kaleba in uu ugu deeqo Janatul Fardowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.

IDILNEWS