Hot Topics

Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran oo maanta booqanaya Riyadh

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Hossein Amir-Abdollahian iyo wafti sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo khamiis ah booqasho ku tegaya caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyadh.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA, ayaa baahisay in Wasiir Hussein uu kulan la yeelan doono dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga Amiir Feysal Bin Farhan, iyo madaxda sare ee Boqortooyada, kuwaas oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira dunida Islaamka.

Waa safarkii ugu horreeyay ee dublamaasi sare oo ka socda Iran ku tagayo Riyadh, tan iyo markii labada dal gaareen heshiis lagu hagaajinayo xiriirkooda, uuna garwadeen ka ahaa Shiinaha.

Wadahadallo maalmo ka soconayay Beijing, ayay bishii Maarso ee sanadkan labada dhinac go’aan ku gaareen dib u soo celinta cilaaqaadka labada dal. Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaana magacaabay safiiro degi doona caasimaddaha labada dal.

IDILNEWS