Hot Topics

Xassan Shiikh oo cadeeyay raalli ahaanshihiisa duqeymaha Laascaano

Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud,ayaa ka gaabsaday in uu cambaareeyo ama ka tacsiyeeyo geerida alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi, oo Galabnimadii shalay ku dhintay duqeyn uu maamulka Somaliland ka geystay xarunta Gobalka Sool ee Laascaanood.

Xassan Shiikh oo ku sugan Dhuusamareeb,ayaa horey loogu eedeeyay in uu raalli ka yahay duullaanka Taliska Muuse Biixi kusoo qaaday shacabka Laascaanood, kaas oo galay bishii 8aad.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo xalay ka gaabsaday in uu cambaareeyo dilka Abwaan Jaamac Kadiye,ayaa dhaliilo loo jeediyay kaddib si adag saaka uga hadlay duqeynta lagu dilay Abwaan, isagoo xusay in Somaliland lagula xisaabtami doono.

“Dilalka iyo duqeymaha loo geysanayo aqoonyahanka, Abwaaniinta iyo guud ahaan ummadda Somaliyed ma ahaan wax laga aqbali karo maamulka Somaliland waana dambi iyo jariimo aad u weyn.”

IDILNEWS