Hot Topics

Deni “Somaliland looga hari maayo duqeynta ay ku dilayso Haldoorka Sool”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo galinkii dambe ee maanta lagu dilay duqeyn ciidamada maamulka Somaliland ka geystay xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Madaxweyne Deni ku sheegay in duqeymaha Somaliland ku leynayso haldoorka gobalka Sool ay yihiin kuwo aan la isaga hari doonin.

Hoos ka Akhriso qoraalka MW Siciid Deni.

TACSI.

Alle Ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Abwaan Jaamac Kediye oo ka mid ah dadka maanta ku geeriyooday duqeynta Somaliland ka wado Degmada Laascaanood, Abwaan Jaamac Kediye waa tiirweyn oo ka baxay ummada Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan suugaantiisa kaga qeyb qaatay nabadda , dowladnimada iyo horumarka.

Waxaan geerida Abwaan Jaamac Kediye uga tacsiyeynayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada Puntland, dadka SSC , Bahda Suugaanta Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday, Alle Waxaan uga baryayaa in uu marxuumka u danbi dhaafo oo janadii geeyo, Aamiin.

Duqeynta Somaliland ku laynayso haldoorka, birimageydada iyo guud ahaan Shacabka gobolka Sool, waxay muujinaysaa cadowtnimada maamulka Muuse Biixi u qabo dadka reer Sool, Mana ahan mid taasi la isaga hari doono. Waxaana ka tacsiyeeynaya dhammaan dadkii ku geeriyooday duqeyntaasi.

IDILNEWS