Hot Topics

Laascaano: Abwaan Jaamac Kadiye, oo ku dhintay duqeyn

Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi, ayaa ku geeryooday duqeyn ay ciidamada maamulka Somaliland ka geysteen galabnimadii maanta magaalada Laascaanood.

Abwaan Jaamac ayaa la sheegay in uu haleelay mid kamid ah madaafiicdii ay ciidanka Somaliland ee jooga Goojacade kusoo tuureen magaalada.

AUN Jaamac Kadiye, ayaa ahaa Abwaan si weyn looga yaqaan dhulka Soomaalida, waxaana uu laf-dhabar u ahaa halganka iyo baraarujinta dadka deegaanka SSC-KHAATUMO, oo dagaal kula jira maleeshiyaadka Ciidanka Muuse Biixi Cabdi.

IDILNEWS