Hot Topics

Maxaa kasoo baxay kulankii Xalay Ee M.Deni & RW Itoobiya?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xalay kulan kula qaatay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed Cali.

Kulanka oo ahaa mid Albaabadu u xirnaayeen,ayaa looga hadlay…

1.Xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya.

2.Iskaashiga dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.

MW Deni iyo Abiy Axmed,yaa isla meel dhigay kor u qaadista wadashaqaynta Labada dhinac iyo isdhaafsiga xogaha amni ee sirdoonka, si looga guuleysto kooxaha halista ku ah ammaanka, sida argagixisada.

Ilo dhanka sirdoonka ah,ayaa u sheegay Idilnews, in RW Abiy uu ballanqaaday in Itoobiya ay kordhin doonto taageerada Hay’addaha Amniga Puntland, gaar ahaan Sirdoonka PISA, kuwaas oo ka hela Addis Ababa tababaro.

Kulanka ayaa yimid kaddib markii Safiirka Itoobiya ee Somaliya, uu dhowaan soo gaarsiiyay Madaxweynaha Puntland dhambaal casuumaad ah oo uu u soo diray Abiy Axmed.

MW Deni oo shalay ka amba-baxay Garowe,ayaa sidoo kale tagi doona dalal kale oo ay kamid yihiin Imaaraadka Carabta, Jordan iyo Kenya.

IDILNEWS