Hot Topics

XOG: Masar oo Saldhig Ciidan ka sameysanaysa Bartamaha Somaliya

Idilnews, ayaa heshay xog rasmi oo la xiriirta heshiis dhexmaray Dowladda Federaalka Somaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Dowladda Masar, kaas oo la xiriira dhismaha Saldhig Ciidan oo masaaridu ka sameysanayso bartamaha Somaliya.

Heshiiskan,ayaa dhigaya in Saldhigga Ciidan ee Masaarida laga hirgeliyo deegaanada maamulka Galmudug, MW Xassan Shiikh iyo Agaasimaha sirdoonka NISA Mahad Salaad,ayaana isla meeldhigay in Saldhigan laga sameeyo Deegaanka ‘Galinsoor’ ee Gobalka Galgaduud.

Tallaabada hirgelinta Saldhiggan,ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay qorshaha uu Xassan Shiikh u joogo Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Saldhigga,ayaa noqonaya mid loo ekeysiin doono Xero lagu tababaro Ciidanka xoogga dalka, balse waxaa uu noqon doonaa Saldhig Ciidanka Masaaridu ku leeyihiin Somaliya,iyadoo ay ku howlgeli doonaan wardoonka dawladda Masar (GIS), si ay culeys dhanka amniga ah u saaraan dawladda Itoobiya oo Masar kala dhexeeyo khilaaf soo jireen ah oo la xiriira dhismaha Biyo-xireenka Abay oo meel gabagabo ah maraya.

Masaarida,ayaa si adag u doonayay in saldhiggan laga hirgeliyo deegaanada Puntland, balse xukuumaddihii kala dambeeyay ee deegaanka ayaa iska diiday.

Puntland,ayaa u aragta saldhigga cusub ee Masar in uu halis ku yahay amnigeeda kahor xasiloonida gobalka Geeska Africa oo Mandiqadan ay muhiim u tahay.

Dhanka kale,Dowladda Itoobiya,ayaa heshay xogta dhismaha Saldhigga Ciidan ee Masar,ayaa heegan buuxa gelisay Sirdoonkeeda NISS, wafti kasocda oo uu hoggaaminayo Safiirka Addis Ababa ee Somaliya Dan. Mukhtaar Waare ayaana 3 August, yimid Caasimadda Puntland ee Garoowe kuwaas oo MW Siciid Deni soo gaarsiiyay dhambaal ka yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo uu qeyb ka ahaa casuumaad rasmi ah oo shalay uu ku tagay Addis Ababa.

IDILNEWS