Hot Topics

Imaaraadka oo Maalgashi balaaran ku samaynaya Itoobiya

Dowlada imaaraatka,ayaa heshiis Ganacsi iyo maal gashi balaaran la galaysa Dowlada Itoobiya.

Imaaraatka,ayaa kaalinta Labaad kaga jira Ganacsiga iyo Maalgashiga Itoobiya ee Wadamada Carbeed marka laga soo tago Sacuudiga.

Itoobiya,waa dalka 3-Aad ee Dahabka ugu badan udhoofiya Dalalka Carabta.

Sodoo kale waxay udhoofisaa Itoobiya Wadamada Carabta Bunka iyo Xoolaha.

Itoobiya,waa Suuq Ganacsi oo balaaran,waxuuna Imaaraatku udanaynayaa in Dekadaha Fujayra iyo Jabal Cali noqdaan Ilaha koowaad ee wax looga soo dhoofiyo dalka Itoobiya,waxuuna ka wal wal qaba Dekadaha Turkiga,Shiina iyo Sacuudigu in ay kala wareegaan dhoofinta Badeecadaha Itoobiya usocda.

Wadamada Carabtu waxay rabaan in ay xag sadaan kaalintooda dhaqan dhaqaale ee Geeska Afrika.

Sidoo kale reer Yurub,ayaa iyaguna kasoo wareegaya maalgashiga Qaarada Aasiya.

Shiinaha,Turki iyo Ruushka,ayaa iyaguna Tartanka qayb balaaran ka ah,waxayna Qolo Kasta dadaal ugu jirtaa siday ku kasban lahayd suuqa Geeska Afrika.

Dunida,ayaa markan tartan ugu jirta xariirka dhaqaale ee Geeska Africa,waxaa jira niyad jab weyn oo caalamku ka qaaday soo kabasho yarida Somaliya.

Jibril Qoobey.