Hot Topics

Taliska PMPF “Weerarka Gen. Sheegow waa dulmi & hayb sooc”

Dagaal u dhexeeya ciidammo ka wada tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soconaya xaafadda Kaawo Godey’ ee caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kaddib weerar ciidamada Booliska ay ku qaadeen hoyga Gen. Sheegow Axmed oo kamid saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo heysta ciidammo fara-badan. Khasaare kala duwan ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay dagaalka wallow aan si rasmi ah loo ogeyn baaxadiisa.

Agaasime kuxigeenka ciidamada PMPF Puntland, Maxamuud Silaal Cumar ayaa hayb sooc ku sifeeyay weerarka lagu qaaday Gen. Sheegow, isagoo xusay in aan la aqbali karin dulmiga oyo awood sheegashada dadka laga tirada badan yahay.

“General sheegoow, aqbali-maynno in dulmi lagu weeraro iyo hayb-sooc, Dawladda puntland waxay utaagantahay ilaalinta sharafka iyo cirdiga dadka laga tira badanyahay ee loogu xoog sheeganayo awoodda iyo sharciyadda dawladnimada”.

IDILNEWS