Hot Topics

Hoobiyayaal lagu garaacay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Dhawaqa tiro hoobiyayaal ah ayaa goor-dhaweyd laga maqlay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas cabsi iyo argagax ku abuuray dadka shacabka ah.

Hoobiyayaasha ayaa la sheegay in qaarkood ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde iyo nawaaxigiisa. Sida ay sheegeen dad ku sugan agagaarka garoonka labo ruux ayaa ku dhaawacmay mid kamid ah hoobiyayaasha oo ku dhacay dhismayaal ku yaalla afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde.

Lama oga ilaa hadda cida ka dambeysa hoobiyayaasha saaka laga maqlay caasimadda Muqdisho. Horey, argagaxisada Al-Shabaab ayaa sheegan jirtay tuurista madaafiicdan.

IDILNEWS