Hot Topics

Puntland “DFS baa ka gaabisay dadka Reer SSC ee la xasuuqayo”

Xukuumadda Puntland ayaa ku eedeeysay DFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud in ay raalli ka tahay xasuuqa maamulka Somaliland ka wado bishii 8aad xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlayay aaskii qaran ee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi ayaa xusay in Dawladda Federaalka aysan hal maalina jeedin baaq caalami ah oo loogu gurmanayo dadka waxyeeladu kasoo gaartay iyo kuwa ku qaxay duqeymaha aan loo meeldayin ee Somaliland ka wado Laascaanood.

“Dadka reer SSC baa u taagan midnimadii in ay ilaaliyaan, Dawladda Soomaaliyeed waxaa laga rabay in ay isgarab taagto hiil iyo hoobba, waxaa laga rabay dadka barakacay in ay u gurmato, waxaa laga raabay baaq caalami ah inay jeediso oo sida Sudan loogu gurmaday sida Niger loogu gurmaday sida Burkina Faso loogu gurmaday in loogu gurmado dadka reer SSC, Dawladda Soomaaliyeed baa ka gaabisay” ayuu yiri Wasiir Dirir.

IDILNEWS