Hot Topics

Khilaaf hareeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Khilaaf u dhexeeya Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Omar Jama – Huruse iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa hareeyay shaqooyinka Wasaaradda, isagoo saameyn ku yeeshay howlaha dublamaasiyadda dalka.

Wasiir Abshir Huruuse, ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS dacwad ka dhan ah Cali Balcad, oo uu ku eedeeyay xadgudubyo uu kula kacay dublamaasiyiin katirsan Wasaaradda iyo in uu si joogta ah faragelin ugu hayo shaqada Wasiirka.

Dhowaan ayay aheyd markii Huruuse uu u gudbiyay MW Hassan Sheikh Mohamud, waraaq is-casilaad ah isagoo ka cabanayay Wasiiru-dowle Cali Balcad, balse Xassan ayaa ka diiday una sheegay in si deg-deg uu u xalin doono tabashada, uuna Mr. Balcad ka wareejin doono Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

IDILNEWS