Hot Topics

Faallo: Socdaalka Xasan Shiikh Ee Mudug ma loo baahan yahay xiligan?

Xassan Sheekh Maxamuud, imaanshihiisa Gaalkacyo,waa xiisad abuur iyo socdaal aan loogama baahnayn Gobolka Mudug xiligan.

Xasan taariikh fiican kuma leh Gobolka Mudug oo waxuu ku astaysan yahay Ooge colaad Sokeeye,waxaysana Bulshada Mudug ilaawin colaadii uu dhex dhigay mudo xileedkiisii hore.

Haatan,waxuu usoo socdaa Gaalkacyo oo Nabad ah,heshiisay,la dirirtay argagixisada oo Wadajir usamaysay horumsr.

Waxaa kasoo hormaray Fiqi oo durba bilaabay abaabulka Bulshada Galkacyo ee Puntland,waxuuna kula kulmay Baraxley Odoyaal kasoo jeeda Beesha Leelkase.

Dad badan,ayaa qaba joogista Xasan ee Dhuusamareeb in aysan ahayn la dagaallan Alshabaab ee ay tahay colaad cusub oo laga qarxiyo Mudug si PL cadaadis ay ugu noqoto.

Astaamaha Xasan,waxaa ka mid ah Qabyaalad si foolxun loogu Adeego.

Mudug lagaagama baahna Xasanoow.

Jibril Qoobey.

IDILNEWS