Hot Topics

Goormee la dhisayaa Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland ?

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa saacadaha soo socda shaacin doonta xilliga rasmi ee la dhisi doono golayaasha deegaanka ee 30 degmo, kuwaas oo 25kii bishii May, ay soo doorteen shacabka reer Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa maalmo kahor la yeeshay kulan xisbiyada siyaasadda Puntland, isagoo kala hadlay dhismaha maamulada degmooyinka, si loo dardargeliyo shaqooyinka dawladdaha hoose. Ilo xog-ogaal ah ayaa Idilnews u sheegay in Golaha deegaanka 30 degmo la fariisin doono, dabayaaqada bishan August, lana soo dhisi doono.

Loollan culus oo ku aadan iskaashiga xisbiyada siyaasadda ee Puntland ayaa hadda ka bilowday deegaanka. Xisbiga KAAH ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Deni ayaana taageero siyaasadeed ka doonaya xisbiyada codadka kooban ka helay degmooyinka qaar, si ay ula soo dhistaan dawladdaha hoose.

IDILNEWS