Hot Topics

DEG-DEG: Gen. Sheegow oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Booliska DFS ayaa la sheegay in ay qabteen Gen. Sheegow Axmed, kaddib dagaal culus oo tan iyo xalay ku dhexmarayay dagmada Dharkenley ee magaalada ciidamo ka amar qaata iyo ciidamada Booliska gaarka ah.

Gen. Sheegow oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, ayaa kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay (Jareer weyne). Weerarka lagu qaaday ayaa imaanaya xilli dhowaan uu sheegay in uu garab taagan yahay dadka uu kasoo jeedo oo tirsanaya dulmi iyo hayb sooc lagu hayo.

Saraakiisha ciidamada weeraray Gen. Sheegow Axmed ayaa sheegay in ay kasoo dacwoodeen dadka xaafadda Kaawa Godey, oo ciidamadiisu dhac u geysteen.

IDILNEWS