Hot Topics

Xassan Sheekh oo ka dhoofaya Dhuusamareeb & duullaankii Alshabaab

Madaxweynaha DFS, Hassan Sheikh Mohamud ayaa soo gabagabayn doona horaanta todobaadkan safar qaatay muddo labo asbuuc ah oo uu joogay caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

MW Xassan Sheekh oo 5 bishan August, tagay Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu diyaarinayay duullaan ka dhan ah argagixisada Alshabaab oo ku sugan dhul badan oo kamid ah bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxaana qorshuhu ahaa in ciidamada DFS iyo kuwa Galmudug ay u ruqaansadaan deegaano ay kamid tahay degmada Ceelbuur oo saldhig weyn ay ku leedahay Alshabaab.

Balse, Xassan Sheekh ayaa isaga socdaalaya Dhuusamareeb xilli uusan jirin duullaan ku wajahan argagixisada oo ka bilowday Galmudug. Idilnews ayaa maalmo kahor tabisay in qorshaha ugu wayn ee Madaxweyne Xassan u tagay Dhuusamareeb ay tahay u gogol xaarka hirgelinta saldhig ciidan oo Masaaridu ka doonayso degmada Galinsoor ee gobalka Galgaduud, si halkaas ay uga abaabulaan dhacdooyin amni oo ka dhan ah Itoobiya.

IDILNEWS