Hot Topics

VIDEO: Puntland “DFS waxay isku badashay dawlad gobaleedyad Muqdisho ka dhisan”

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay kusoo koobantay dawlad gobaleed ka dhisan magaalada Muqdisho, aanana loo aqoonsan karin dawlad la wada leeyahay.

Maxamuud Caydiid oo ka hadlayay kulan lagu xusayay maalinta caalamiga ah bini’aadantinimada adduunka, ayaa tilmaamay in dawladda ka dhisan Muqdisho ay ku guuldareysatay in baaq caalami ah kasoo saarto xasuuqa maamulka Somaliland ka wado Laascaanood, iyo in ay soo jeediso gurmad ballaaran oo loo fidiyo dadka ku barakacay.

“Maxaa dawladda Soomaaliyeed Marti loogaga yahay in ay baaq caalami ah jeediso oo tiraahdo Laascaanood musiibooyin baa ka dhacay?. Waxaan qabaa in DFS kusoo koobantay dawlad gobaleed Muqdisho ka dhisan maanta kaddibna aan loo aqoonsan dawlad ee loo aqoonsado dawlad gobaleed inay tahay”.

Sidoo kale, Wasiir Caydiid ayaa xusay in aysan Muqdisho noqon karin caasimad Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la isaga yimaado oo meeshii nabad ah oo Soomaali isagu imaan karto in la isugu yimaado.

IDILNEWS