Hot Topics

Faallo: 3 qodob oo sababay xiriirka hooseeya ee Puntland & Beesha Caalamka

Puntland ayaa wajahaysa culeys dhanka dublamaasiyadda iyo xiriirka dibadda ah, kaddib tallaabooyin uu qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo hoos u dhigay la macaamilka Beesha caalamka iyo xiriirka dalalka muhiimka u arka mandiqadan dhacda dhulka istiraajiga ah ee Soomaaliya.

MW Siciid Deni ayaa dhowaan iska diiday qaabilaada safiiro ka socday dalal dhowr ah, kuwaas oo saameyn ku leh siyaasadda iyo mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya. Waxaa uu u sheegay in uusan hayn waqti uu kula kulmo balse uu dib uga soo sheegi doono jadwalka la kulankooda oo sida uu tilmaamay ka dhici kara dalka Kenya.

Sidoo kale, Deni ayaa ka gaabsaday bil kahor baaq ay u soo jeediyeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’addo caalami ah, kaas oo la xiriiray qabashada shirweyne looga hadlayo hormarinta Puntland loogana dhawaaqo ‘Sanduuqa Hormarinta Puntland’ balse ayaa taa bedelkeeda kulan uu la qaatay qaar kamid ah wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo kaga dhawaaqay ‘Golaha Horumarinta Dhaqaalaha Puntland’.

Saddex qodob oo saldhig u ah xiriirka hooseeya ee Puntland iyo Beesha Caalamka.

1. Hab-dhaqanka Madaxweynaha, MW Deni ayaa in kabadan 4 sano iyo 8 bilood oo xukunka joogo iska indha tiray muhiimada xiriirka caalamiga ah, isagoo taas bedelkeeda xoogga saaray hormarinta xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta oo taageero guud iyo mid gaar ahaaneed uu ka helay.

2. Wasiirada is xigay ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, oo ahaa dad aan ku wanaagsaneyn sidoo kalena aan maqaam ahaan iyo faham ahaan gaarsiisanayn dhismaha xiriirka caalamiga ah iyo abaarista mashaariic hormarineed.

3. MW Deni oo ka gaabiyay, iskana indha tiray muhiimada Guddi ama Golle ka shaqeeya abuurista iyo adkeynta dublamaasiyadda iyo xiriirka Puntland kala dhexeeya daneeyayaasha Soomaaliya.

IDILNEWS