Hot Topics

Axmed Madoobe oo wada Olale uu ka raadinayo la heshiinta Deni

Nayrobi,waxuu ka wadaa olale uu ku kicinayo Ganacsato iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda guud ahaan Beesha Daarood,kuwaas oo uu ku codsanayo in isaga iyo Deni la dhexgalo.

Ujeedkiisu,waa socdaalka Deni ku imaanayo Nayrobi in lagu heshiisiiyo.

Balse Deni oo ka war helay olalaha Axmed,isla markaana aan rabin in uu hor fariisto,ayay ubadan tahay in uu baajiyo socdaalkiisa Nayrobi.

Axmed Madoobe,waxay isku soo dhaceen Xasan oo uu wax ka waydiistay Hubka uu Dhuusamareeb urarayo in wax laga siiyo si uu dhankiisa ula diriro argagixisada,balse,waxuu Xasan ugu jawaabay..”Kuma siinayo Hub ee Ciidan baan kusoo dirayaa”.

Sidoo kale,waxaa hoos udhigay xiriirkii ay la lahaayeen Axmed Dowlada Imaaraadka,waxaana fashil qarka usaaran yahay heshiisyadii ay Dekeda iyo Garoonka ku maalgashan lahaayeen.

Culayska ugu weyn ee Axmed Madoobe wajahayo,waa dhaqankiisa Siyaasadeed ee ku dhisan 7-Wajiilaynta oo umuuqda mid lawada bartay.

Jibtil Qoobey.