Hot Topics

Dagaal culus oo ka bilowday duleedka Laascaanood

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka bilowday galbeedka magaalada, kaas oo u dhexeeya maleeshiyaad maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC-KHAATUMO.

Dagaalka xooggiisa ka soconaya aagga Xergega iyo Dhuyuc xuunsho, labada dhinac ayaa is waydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidanka SSC-KHAATUMO iyo maleeshiyaadka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay is dhaafsanayay madaafiicda culus, kuwaas oo sababay khasaare baaxad leh oo loo geystay difaacyada Goojacade ee maamulka Somaliland.

IDILNEWS