Hot Topics

Maxaa kala socotaa Shirka Brics Ee Koonfur Afrika ka dhacaya?

Madaxweynaha Shiinaha oo ka degay Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo Shirka.

Balse Putin waxay ubadan tahay in uu uga qaybgalo Aalada layska arko.

Sidoo kale maalin ka hor,waxaa sii tagay Koonfur Afrika Madaxweynaha Brazil.

Brics,waa loolan ay ka danbeeyaan Shan Wadan oo lagula loolamayo dhaqaale ahaan Maraykanka,kuwaasoo kala ah….

1.Ruushka.
2.Shiinaha.
3.Hindiya.
4.Brazil.
5.K.Afrika.

Dalalkan,waxay ka yihiin Dhaqaale ahaan caalamja 23%,halka Dad ahaana ay ka yihiin 40%.

Ruushka oo Dalalkan ka mid ah,waxuu si weyn ugu Dhiig baxay dagaalka Ukrain.

Shiinaha oo asna ku jira 5-ta Wadan,waxaa soo wajahay Sanadkan hoos udhac Dhaqaale oo balaaran.

Hindiya,waxay Maraykanka uga heshay maalgashi iyo isdhaafsi Ganacsi cadaadiska Kooxdan ee Dollar-ka.

Isku soo wada duuboo lama filayo Brics in ay soo kordhiyaan wax weyn oo la yaab leh.

 

Jibril Qoobey.