Hot Topics

Hadalka Hantidhowrka Muqdisho, waa duullaan Puntland ka dhan ah!!

Hadalkan waa xumaan toos ah iyo nacayb Dowladnimada loo isticmaalayo oo reer PL ka dhan ah.

Dekedii Garacad ee Shacabku qaaraanka ku dhistay in lagu qabsado,waxay muujinaysaa Xumaanta Xasan Shiikh halka ay taagan tahay?.

Wax kalaba yeelkeedee Hanti Qaran iyo mid gaar ah saakay in Qof Xamar jooga ka hadlo,waa la yaab?

70% Xamar hantideeda,waxaa lahaa Dadka reer PL meel lagu sheegayna majirto?

Laba Xero Ciidan oo Galkacyo ku yaala,hadii la iibshay oo $5-Milyan kasoo baxday laguna kabay $200-Milyan oo kale oo Mashruuc dan guud ah lagu maalgeliyay saw wax lagu faano mahan ??

Meel ku sheeg hantidii Qaranka ee Koonfurta Wadanka,Anagu tii aan haynay,iyadoo kasii qurxoon 30-Sano ka hor say ahayd,ayaan haynaa?

Meel ku sheeg hantidii Umada gaarka loo lahaa ee Koonfurta Dalka oo qaarkood Dadkii lahaa inta la dilay lagu Aasay Boosaneerooyinka Musqulaha Guryahoodii oo lagu habsaday?

Alleylehe Qaran iyo Somalinimo danbe oo lasii fiirsadaa ma taal Xamar ee aan u istaagno PL oo isbadbaadisa.

Hadal kale oo hiilo weyn unoqday Deni una soo dumay Shacabka markale,ayuu sii daayay Xasan.

Jibril Qoobey.

IDILNEWS