Hot Topics

GARACAD IYO RAADGADASHO. W/Q: Faarax Jaamac

Hadalka ka soo baxay maamulka Madaxwayne Xasan Sheikh ee ah in dekada Garacad lacagta lagu dhisay lagu biiriyay dhulal xeryo milatari oo dadwaynaha dib looga gaday waa sax oo muran kuma jiro.

Maamulka Puntland oo matalaya Dowlada Federaalka ayaa Dowlada dhexe uga wakiil ah saamiga federaalku ku leeyahay dekedaas.

Dekada Garacad waxaa wada leh Dowlada Somalia iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Waa wax la yiraahdo Public-Private Partnership oo macnaheedu yahay mashruuc bulshada iyo dowladu wada fuliyeen oo Dowlada iyo dad gaar ah wada leeyihiin.

Sidaas awgeed, dekada Garacad wax muran ah oo la isku hayn karo ma aha ee su’aasha taagan baa la iswaydiin karaa muxuu Xasan Sheikh kala dan leeyahay hadalkaan uu jeediyay hantidhowrku guud ee federaalku?

Anigu labo arrimood baan maamiyay:

1. Inuu soo socdo dhul-boob baaxad leh oo qoyska Madaxwayne Xasan Sheikh ka qaadi doono dhulalkii danguud ee gobolka Banaadir ku yaal oo la rabo in loogu qiil-sameeyo.

2. In Xasan Sheikh oo hore xillligiisii hore shacabka Waqooyiga iyo Koonfurta Mudug siyaasad ahaan iyo milatari ahaan iskugu diray inuu hadda isku dayayo inuu mar kale Magaalada Gaalkacyo shacabkeeda isku diro.

Halkaan Xasan Sheikh wuxuu dirayaa farriin ah in Galmudug ay Puntland ku qabsan karto dekada Garacad.

Dekada Garacad waa dekad Soomaaliyeed oo shacabka Soomaaliyeed wada maalgashadeen.

Waxay dekada Garacad gacanta federaalka soo gali doontaa marka dekadaha kale iyo ayraboorada caalamiga ee dalka ku yaal kuli maamuladu wareejin doonnaan.

W/Q: Faarax Jaamac

IDILNEWS