Hot Topics

Faahfaahin kulanka dhexmaray Isimada Mudug iyo Axmed M.Fiqi

Axmed Fiqi si macquul ah,ayuu uhadlay kulankii Maanta,waxuuna sheegay….

1.In uusan ahayn kulankan mid Siyaasadeed oo uusan wakiil ka ahayn Dowlad ee uu yahay Oday Beesha Sacad ka dhashay oo utaagan ka shaqaynta amniga Gobolka.

2.In uusan ku raacsanayn warka kasoo baxay Hanti dhowraha Xamar ee ka dhanka ah Dekeda Garacad.

3.In uu dadaal gelinayo helida Mashruuca Dhismaha Wadada Garacad-Goldogob.

4.In Beesh Sacad ay ka go’an tahay ilaalinta Xasiloonida iyo wada noolaanshaha Mudug.

Islaan Bashiir iyo Isimadii kale dhankooda,waxuu usheegeen Fiqi…

1.In uu yahay Wiilkoodii oo sokeeye ah oo ay soo dhawaynayaan.

2.In xasiloonida iyo Amniga Mudug lama taabtaan yahay,Fiqi iska ilaaliyo in loosoo adeegsado carqaladayntiisa.

3.In Mashruuca Wadada isaga looga fadhiyo dabagalkiisa maadaama uu yahay Deegaan wax ka leh Dekeda Garacad.

4.In ay Xasan u arkaan Nin aan wanaag rabin.

Kulankaas,waxuu kusoo idlaaday ballan ah ilaalinta amniga Mudug.

Fiqi iyo koox la socotay,waxay ugudbayaan Wisil Berri,iyagoo ururinaya Maleeshiyaad iyo Hub qayb ka noqda dagaalka argagixisada.

Jibril Qoobey.