Hot Topics

Itoobiya oo ku biirtay isbaheysiga BRICS

Itoobiya ayaa loo ogalaaday ku biirista isbaheysiga BRICS, oo ah urur dhaqaale oo ay ku midoobeen dalal ay kamid yihiin Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya.

Madaxda isbaheysiga BRICS oo shir ku leh dalka Koonfur Africa ayaa meemariyay ku biirista Ururka ee dalka Itoobiya. Sidoo kale, wadamada Iran, Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Masar, Argentina ayaa xubno rasmi ah ka noqday isbaheysiga dhowaan dhiska ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali ayaa soo dhaweeyay aqbalaada BRICS, isagoo xusay in dalkiisu u diyaarsan yahay noqoshada xubin firfircoon oo kamid ah isbaheysiga cusub oo doonaya saamey ballaaran in uu ku yeesho Africa.

IDILNEWS