Hot Topics

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland oo lagu jabiyay dagaalka Laascaano

Dagaal culus ayaa weli ka soconaya duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka difaaca Sool.

Sida ay muujiyaan sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayaa in jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka oo bilowday aroornimadii hore ee saaka. Ciidamada deegaanka ayaa qabsaday gaadiid dagaal oo isugu jira Taangi, gaari Beebe ah, labo gaari oo Cabdi bile ah iyo maxaabiis.

Ciidanka difaaca Sool ayaa sidoo kale la wareegay aaga Maraaga oo ah fariisin weyn oo ay joogeen ciidamada Somaliland. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dagaalka socda ka dhashay.

IDILNEWS