Hot Topics

Akhriso: Taangiyada shaqeeya ee Soomaaliya yaalla waxaa haysa ‘Beesha Harti’

Dagaalkii udanbeeyay ee 93-dii Galkacyo,ayaa Taangiyadii ku harsanaa Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Gacanta lagu dhigay.

Waqooyi Taangiyadii yaalayna Gooja-cade,ayaa 2023 Gacanta lagu dhigay.

Jamhuuriyada gudaheeda Maanta,waxaa yaala 20-Taangi wax shaqaynaya,iyaguna Gacanta Beesha Harti ayay ku jiraan.

35% Somaliya Dhul iyo Dad,waa Beesha Harti,waana la ilaaliyay awoodaas isku xiran.

Juquraafi ahaan,waxaa lasoo xiray qorshihii kala qaybinta Dhulka Beesha Harti.

Dad ahaan Harti in ay noqdaan kuwo ukala qaybsama Maamulo lagaga tiro badan yahayna,waa la diiday.

Hormuudka Beesha Hawiye ee Siyaasadu,waxay weli aqbali la’a yihiin awoodaas,waxayna 2023 qayb ka noqdeen hoos udhigis qorshaysan oo la abaabulay.

Hormuudka Siyaasada Beesha Isaaq oo Dhul iyo Dadba og in Beeshoodu ka tahay Somaliya 15%,waxay istuseen in ay Beesha Harti Dhulkeeda iyo Dadkeeda qayb muhiim ah ku buuxsadaan Maamul leh Siyaasad iyo Juquraafi oo ay ku cad goostaan.

Saakay dagaalkii Milleteriga iyo Juquraafiga,waa ku guulaysanay.

Waxa noo harsan,waa Siyaasada in aan hardankeeda ku guulaysano oo Caasimada iyo nidaamka Doorasho ee Somaliya aan ka hawlgalno.

Jibril Qoobey.

IDILNEWS