Hot Topics

Madagascar: 13 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon kubbadeed

Ugu yaraan 13 qof ayaa dhintay, oo ay ku jiraan toddoba caruur ahi, ka dib markii ay dad badani isku jiidheen ama isku buurteen, garoon ku yaalla caasimadda dalka Madagascar ee Antananarivo, sida ay sheegtay hay’adda Laanqayrta Cas iyo weliba xubin ka tirsan baarlamaanka deegaankaas.

Xildhibaanka oo lagu magcaabo Hanitra Razafimanantsoa ayaa u sheegay idaacad laga dhegaysto gudaha dalkaas, in tirada dadka dhaawacmay ay gaadhayaan illaa 107 qof.

Hay’adda laanqayrta cas ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay ku jiraan toddoba caruur ahi, hase ahaatee aan weli la dhamaystirin xogta khasaaraha goobta.

Ra’iisal wasaaraha Madagascar Christian Ntsay ayaa hordhac ahaan u sheegay in tirada dhimashadu ay tahay 12 iyo 80 dhaawac ah.

Is-buurashadan ayaa ka dhacday irida laga galo garoorka Barea, halkaas oo ay ku sugnaayeen illaa 50,000 oo qof oo doonayey inay ka qayb galaan xafladda furitaanka ciyaaraha dalkaas.

AFP

IDILNEWS