Hot Topics

VIDEO: Muuse Biixi oo qirtay jabka ciidanka Somaliland

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qirtay jabkii ciidamada maamulkiisa kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Laascaanood, kaas oo looga saaray aagag muhiim ah oo uu kamid yahay saldhigii weynaa ee Goojacade, sidoo kalena ciidamada difaaca Sool ku gaareen xadka beelaha Isaaq iyo Dhulbahante (Guumeys).

Shir jaraa’id oo ku qabtay Hargeysa, ayuu Muuse Biixi ku sheegay in filan waa ay ku noqotay jabka ciidamada maamulka Somaliland kasoo gaaray dagaalkii jimcihii, isagoo ugu baaqay shacabkiisa in aysan niyad jabin.

IDILNEWS