Hot Topics

Askar Mareykan ah oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Australia

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa Axadda maanta ah ku burburtay jasiirad ku taal waqooyiga Australia, halkaasi oo ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada badda, 20 kalena ay ku dhaawacmeen. Shilkan ayaa dhacay xilli uu socday dhoolatus tababar ah oo ay dhowr dal ka qeyb galayeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saddex ka mid ah askarta ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen jasiiradda Melville, shan ka mid ah 23-kii diyaaradda saarnaana waxaa iyagoo qaba dhaawacyo daran loo duuliyey isbitaal 80 kiiloomitir u jira magaalada Darwin si halkaasi loogu daweeyo. Diyaaradda Bell Boeing V-22 Osprey tiltrotor ayaa burburtay abaaro 9:30 a.m. waqtiga maxaliga ah ee dalkaasi sida lagu yiri bayaan ka soo baxay Marines-ka.

Bayaanka intaa ku daray in sababta burburka keentay baaritaan uu ku socdo.

Ra’iisulwasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in kaliya askar Mareykanka ah ay ku dhaawacmeen tababarkan ay sida wadajir ah uga wada qeybgalayeen ciidamada dalalka Mareykanka, Australia, Indonesia, Filibiin iyo East Timor.

AP

IDILNEWS