Hot Topics

Axmed Karaash oo tagaya magaalada Laascaanood

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan booqasho ku tagaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaddib markii ciidamada maamulka Somaliland lagu jabiyay jimcihii dagaalo culus oo muddo 8 bilood ah ka soconayay Laascaanood.

Axmed Karaash ayaa noqonaya musuulkii ugu sareeyay ee Laascaanood taga 16 sano ee u dambeeyay, maadama magaalada ay qabsadeen 2007dii ciidamada Somaliland oo garabsanayay maleeshiyo deegaanka ah.

Hoggaanka SSC iyo Isimadda dhaqanka ayuu Madaxweyne Karaash la kulmi doonaa, isagoo kormeeri doona goobaha caafimaadka iyo gudaha magaalada oo burbur xooggan kasoo gaaray duqeymihii maleeshiyaadka Somaliland ka geysanayeen magaalada.

IDILNEWS