Hot Topics

Wasaarada Arimaha Gudaga DPL iyo Xisbiyada Siyaasada oo Go’aan midaysan ka gaaray Jadwalka fariisinta Golayaasha Deegaanka Ee la doortay.

Garowe, August 28, 2023: Wargalin shaacinta Jadwalka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Maanta oo taatiikhdu tahay 28/08/2023, waxaa shir wadatashi ah oo ku aadan Fariisinta Goleyaasha Degaanka ee la soo doortay isugu yimi Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xisbiyada Siyaasadda DPL.

Wadatashi dheer kadib, Waxaa la isla qaatay in fariisinta Goleyaasha Deegaanka guud ahaan Gobolada oo dhan laga bilaabo 05/09/2023, markii laga reebo Degmada Baran oo ah Meesha laga daahfurayo fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee la soo doortay.

Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, waxay idin ogaysiinaysaa in maalinta daahfurka Fariisinta Goleyaasha ay tahay 30/08/2023 lagana daahfurayo Degmada Baran ee Gobolka Sanaag.

Haddaba, Wasaaraddu waxay markale ku wargelinaysaa dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada, Degmooyinka, Xubnaha Goleesha Deegaanka ee la doortay iyo Xisbiyada siyaasada qodobadan soo socda oo ah qodobo asaas u ah fariisinta Goleyaasha Deegaanka:-

1. Waa in dhammaan xubnaha goleyaasha deegaanka ee la soo doortay ay u diyaar garoobaan fariisiinta, dhaarinta iyo doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Goleyaash Deegaanka.

2. Waxaa Guddoomiyaasha Gobolada lagu wargalinayaa in ay ka qeyb-qaataan Fudeynta iyo Fariisinta Goleeyasha Deegaanka.

3. Waa in xisbiyada siyaasadu soo gudbiyaan liisaska kama danbeysta ah ee xubnaha ugu sharraxan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Goleyaasha Deegaanka, sida ugu dhakhsaha badan.

4. Waa In Xisbiyada siyaasadu ku wargaliyaan xubnahooda Goleyaasha deegaanka in ay u diyaar garoobaan fariisiinta Goleyaasha Deegaanka.
Ugu danbeyn, Waxaan rajaynayaa in aad si mug leh uga qeyb-qaadataan dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka si ay u gutaan waajibaadkii ay bulshadu u soo dooratay oo ah in ay si hufan ugu adeegaan.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.