Hot Topics

Axmed Karaash oo gaaray xuduudka Oog

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqday magaalada Laascaanood iyo furimaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Sool oo ku yaalla duleedka deegaanka Guumeys, kuna dhow Oog oo hada ay ciidammo ku aruurinayso Somaliland.

Axmed Karaash ayaa tagay furimaha hore ee dagaalka oo qiyaastii 15-KM u jira magaalada Oog, waxaana uu kulan la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Sool oo kala hadlay sugida xuduudka iyo in la ilaaliyo nabadgelyada deegaanka.

Intaa kaddib, Madaxweyne Karaash ayaa kusoo laabtay Laascaanood halkaas oo uu kulan kula leeyahay hoggaanka SSC iyo Isimadda dhaqanka.

IDILNEWS