Hot Topics

VIDEO: Karaash oo ballanqaad u sameeyay hoggaanka iyo shacabka Sool

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madadaxweyne kuxigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta tagay xuduudka gobalka Sool uu la wadaago maamulka Somaliland ee duleedka Oog ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay taageerada mowqif kasta oo ay gaaraan dadka Reer SSC.

Karaash ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u tahay dawladda Puntland difaaca dadkeeda iyo dalkeeda, balse horey guusha la gaaray ugu maqneyd muwaafaqo la,aan ka dhex jirtay dadka Sool, isagoo ballanqaaday isbarbar taag.

IDILNEWS