Hot Topics

Badhan oo laga daahfuray fariisinta Golaha Deegaanka PL Ee la doortay

Badhan, August 30, 2023: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ka daahfurey fariisinta Goleyaasha Deegaanka Puntland ee lagu soo doortay nidaamka dimoqraadiyadda Puntland

Madasha daahfurka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Puntland waxaa Goob-joog ahaa Guddomiyaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, xubno ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha xukuumadda, Maamulka Gobolka,

Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee la doortay, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub Cawad Cali Xiirey iyo Guddoomiye Kuxigeenka Xaawo Cabdulqaadir Axmed waxay u rajeynaysaa in Alle u fududeeyo shaqooyinka dowliga ah ee horyaala.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.