Hot Topics

Madaxweyne Karaash oo xalay ku hoyday Laascaanood

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay ku hoyday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaddib markii uu shalay gaaray jiidaha hore ee ciidamada difaaca Sool ku sugan yihiin ee duleedka magaalada Oog.

Karaash ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyay ee ka socda Puntland oo soo gaara Laascaanood muddo 16 sano ah kaddib. Xalay, kulamo ayuu la qaatay hoggaanka SSC iyo Isimadda dhaqanka, kuwaas oo ay ka wadahadleen masiirka deegaanka iyo 8 bilood oo dagaal ah kaddib halka loo jiheynayo deegaanka.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa shalay ka sheegay Yagoori in Puntland ay ka go’an tahay difaaca dadkeeda iyo deegaankeeda, isagoo ugu baaqay bulshada Sool adkeynta midnimada iyo muwaafaqada oo uu tilmaamay in ay horseeday guusha laga gaaray cadowga.

IDILNEWS