Hot Topics

Gaas iyo Cumar oo si weyn loogu dhaliilay udabacsanaanta Xasan Shiikh

Gaas iyo Cumar ma aysan ahayn in ay ka qaybgalaan Space-ka Xasan soo abaabushay ee uu taageerada ku raadinayay markii Bulshada Somaliyed dhabarka ujeedisay.

Cumar maba xumayn oo waxyar oo madax tusid ah,ayuu muujiyay kadibna,waa iskaga baxay.

Balse Gaas,ayaa iska dhex fadhiyay oo sidii Shacabkii goobta looga tagey.

Cabdiweli Waa Nin aan ogayn in isaga loo baahan yahay oo iska dhiga raqiis,waana ka xumahay in mid ka mid ah Siyaasiyiintayada waa weyn uusan han lahayn .

Farmaajo ma imaan Space-ka,wuxuuna ku taageeray qoraal aan macno badan lahayn.

Sh.Shariif kuma taageerin qoraal mana imaan goobta,waana dhaliilay hogaaminta dagaalka argagixisada.

Deni waa hogaamiye han leh,raqiis aan ahayn oo isla weyn ogna in loo baahan yahay.

Jibril Qoobey.