Hot Topics

Toddobaad kadib su’aalaha ku gedaamaan weerarkii Cowsweyne

Waxaa hadda toddobaad laga joogaa tan iyo markii uu dhacay weerarkii deegaanka Cowsweyne ay al-Shabaab ku qaadeen kaas oo la sheegay inuu khasaare badan ka dhashay. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan oo qaarkood ilaa haatan aan jawaab loo haynin iyadoo dad badan ay dhaliileen weerarkaas, kuwaas oo sheegay inay jiraan khaladaad horseeday dhibaatada ka dhacday Cawsweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadlay weerarka ka dib ayaa sheegay inay khaladaad dhanka farsamada ah ay jiraan baaritaanna lagu sameyn doono wixii dhacay.

“Kuwa awoodda ciidanka ku takri falay qiyaanada ku sameeyay waqtigii lala xisaabtami lahaa waa la joogaa waana lala xisaabtamayaa dowladnimo waa isla xisaabtan,”ayuu yiri madaxweynaha.

Siduu weerarka u dhacay?

Weerarka deegaanka Cowsweyne – oo qiyaastii 20 kiilo mitir u jira – degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud ayaa la sheegay inuu qaraxyo iyo weerar toos ah ku bilawday ka dib markii al-Shabaab ay weerar ku qaadday saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gorgor iyo ciidan dhowaan laga keenay Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Cawsweyne.

Khasaare intee la’eg ayaa ka dhacay Cawsweyne?

Ka dib weerarka Cowsweyne kooxda al-Shabaab ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso inay dishay 178 askari. Waxay sheegeen inay weerareen saddex saldhig oo ay degganaayeen 1,500 oo askari, ayna si buuxda ula wareegeen.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirro ku saabsan weerarka Cows Weyne. Illaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska ciidamada Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhiggaba oo ay ku shaacinayaan khasaaraha rasmiga ah ee weerarka.

Deegaannada ay ilaa iyo haatan dowladda dib uga baxday iyo sababta?

Ciidamada dowladda ayaa dib uga baxay degaano ay hore al-Shabaab uga qabsadeen wejigii koowaad ee dagaalka, kuwaas oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada ayaa laga soo xigtay in ciidamada dawladdu ay dib uga soo gurteen magaalooyinka iyo degaanada Ceel Dheer, Masagaway, Budbud, Wabxo, Galcad, Ceel-buur, Galhareri.

Hase yeeshee Cabdisalaan Guuleed oo ka faallooda arrimaha aminga ahna guddoomiye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda ee NISA ayaa sheegay in hadalka wasiirka uusan ahayn mid ka turjumaya waxa dhabta ee jira ayna tahay in wixii dhacay lagula xisaabtamo dadkii mas’uulka ka haa.

Waxaana jira dad badan oo aaminsan inay arintan ayaa ka dhalatay dagaalkii Cowsweyne ee Sabtidii 26-ka bishii Ogosto waxaana ka dhashay su’aalo badan oo ku sabsaan in khaladaad hoggaamineed oo ciidamada dowladda ka dhex jira.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga u soo daatay ee dalka looga sifeynayo Alshabaab.

IDILNEWS.